Askarta Itoobiya oo su’aalo weydiinaysa xaaska Cabdi Ileey iyo jirdil loo geystay

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Saraakiisha ammaanka dowladda Itoobiya ayaa su’aalo weydiinaya mas’uuliyiintii ugu sarraysay maamulkii uu madaxda ka ahaa Cabdi ileey ee fadhigiisu ahaa magaalada Jigjiga.

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in saraakiisha sirdoonka iyo kuwa melleteriga ay xabsiyo gaar ah kula kulmeen wasiirro, xildhibaano iyo qaar kamid ah qoyska Cabdi ileey.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiil ka socday Xafiiska Abiy Axmed ay qeyb ka ahaayeen su’aalo weydiinta, inkabadan 50 qof oo ah mas’uuliyiintii maamulka ayaa lagu hayaa xabsiyo kuyaal magaalada Addis Ababa.

Taliyiihii Ciidamada  Liyuu Booliska iyo Xaaska Cabdi Ileey ayaa la sheegay in jirdil ay kala kulmeen saraakisha Itoobiya sida ay sheegeen mucaaradka Itoobiya.

dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa wali Bandaw adag ku haya shacabka ku dhaqan magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagaxbuur, goob joogayaal ayaa sheegay in melleteriga Itoobiya ay diideen in shacabka  ay isaga barakacaan magaalada.

Magaalada Dhagaxbuur melleteriga Itoobiya waxay xireen boqolaal dhalinyara ah oo ay ku eedeeyeen in ay qeyb ka yihiin xoogaga ka dagaallama dhulka Soomaaligalbeed ee ixtilaalka kujira.

Inta badan deegaannada dhulka Soomaaligalbeed hadda wax maamul ah kama jiro waxaana dadka kadeed ku haya melleteriga Itoobiya kadib markii uu burburay maamulkii uu madaxda ka ahaa Cabdi ileey.

Xaaladda deegaanadaas ayaa maalmihi iugu dambeeyey aheyd mid dagan kadib khalalaaso halkaas ka dhacay laba maalin kaasoo keenay inuu is casilo madaxweynihii hore isla markaasna la doorto mid cusub oo booskaas buuxin doono.

Madaxweynaha cusub ee Itoobiya ayaa wado isbadalo waaweyn oo uu ku sameenayo maamulada hoostago dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana muuqato in cadaadis xoog leh la saaray Tikreyga iyo Soomaalida.

Dad badan ayaa ku dhintay rabshado halkaas ka dhacay oo u dhaxeeyo qoomiyadaha Soomalida iyo Oromada inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegtay inay halkaas geysan ciidamo Federaalka ah oo ka madax banaan labadaan qoomiyad.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa 
Caasimada@live.com