Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Safaarada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dowlada Imaaraadka ay u yeertay Danjiraheeda Somalia Maxamed Al-Cuthmaan.
Danjiraha ayaa waxaa u yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka kadib markii ay sii xoogeysatay xiisada Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhexeysa dowlada Qadar.
Danjiraha ayaa la sheegay in loo yeeray wixii ka danbeeyay go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay xiisada ka dhex aloosan dowladaha Sacuudiga iyo Qadar.
Danjiraha ayaa la sheegay inuu kamid noqon doono Guddi ay dowlada Imaaraadka u direyso dalalka carabta ee aan weli go’aan ka qaadan xiisada ka dhex aloosan dowladaha Khaliijka.
Dowlada Imaaraadka ayaa sii ololineysa xiisada ka dhex taagan dowladaha Sacuudiga iyo Qadar, waxa ayna Imaaraadka dhowr sano ku taameysay in adduunka laga horgeeyo Qadar.
Si kastaba ha ahee, Dowlada Imaaraadka ayaa dhanka kale culeys ka saareysa dowlada Somalia si ay qeyb uga noqoto xiisaada ka dhex aloosan dowladaha Khaliijka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com