23.6 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Xog: Maxaa ka jira in India ay aqoonsaneyso Somaliland?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

New Delhi (Caasimada Online) –  Dowladda Hindiya ayaa Sabtidii ku tilmaantay “warar been abuur ah” qoraallo lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in Madaxweynaha maamulka Somaliland uu wadahadallo rasmi ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, iyo in Hindiya ay qarka u saaran tahay inay aqoonsato Somaliland.

Waaxda Xaqiiqo-Raadinta (FactCheck) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya (MEA) oo ka jawaabeysa sheegashooyinkan ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X (Twitter) ku tiri: “Digniin warar been abuur ah! Qoraallada hoose waa been!”

Caddayntan ayaa timid xilli ay baraha bulshada qabsadeen warar si xawli ah u faafay oo sheegayay in Ra’iisul Wasaare Modi uu wadahadallo rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), iyo in aqoonsiga Somaliland ee “dimoqraadiyadda ugu weyn adduunka” uu soo dhow yahay.

Waaxda MEA FactCheck ayaa sidoo kale meesha ka saartay wararka sheegaya in Soomaaliya ay u yeeratay danjiraheeda u fadhiya Hindiya sababo la xiriira tallaabada aqoonsiga ee la sheegay, iyadoo caddeysay in wararkaas internet-ka ku jira ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Sawirro (Screenshots) ay wadaagtay waaxdu ayaa muujinayay muuqaallo iyo qoraallo si qaldan u taswiiraya xiriir rasmi ah oo dhex maray Hindiya iyo Somaliland, taas oo dowladda Hindiya sheegtay inaanay waxba ka jirin.

Aqoonsiga Israa’iil

Caddayntan ayaa muhiimad gaar ah leh marka la eego xaaladda siyaasadeed ee Somaliland. Gobolkan ayaa ku dhawaaqay madax-bannaanidiisa 18-kii May, 1991-kii, kadib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, balse ma uusan helin aqoonsi caalami ah, marka laga reebo Israa’iil oo si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland 26-kii Diseembar, 2025.

Iyadoo ay jirto dood caalami ah oo arrintan ku saabsan, Somaliland ayaa iska fogeysay eedeymaha sheegaya inay oggolaatay in saldhigyo milateri oo Israa’iil leedahay laga sameeyo dhulkeeda ama in qaxooti Falastiiniyiin ah oo ka yimid Gaza la dejiyo, taas beddelkeedana ay hesho aqoonsi.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xiriirka kala dhexeeya Israa’iil uu yahay “mid diblomaasiyadeed oo qura” uuna ku saleysan yahay “ixtiraam buuxa oo loo hayo sharciga caalamiga ah.”

Beenintan Somaliland ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo u sheegay Al-Jazeera in Somaliland ay aqbashay shuruudo ay ka mid yihiin dib-u-dejinta Falastiiniyiinta, dhismaha saldhig milateri oo ku yaalla Gacanka Cadan, iyo ku biirista heshiisyada Abraham Accords.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay inaan wax wadahadal ah laga yeelan arrimahaas, inkastoo ay qireen inay qayb ka noqonayaan heshiisyada Abraham Accords.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa horraantii toddobaadkan xaqiijiyay in Somaliland ay ku biiri doonto heshiisyada Abraham Accords, isagoo sheegay in Israa’iil ay dooneyso inay taageerto “dal dimuqraadi ah oo dhexdhexaad ah” oo diyaar u ah ka qaybgalka heshiiska.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu toddobaadyada soo socda booqdo Israa’iil, halkaas oo uu si rasmi ah ugu biiri doono heshiisyada Abraham Accords, sida uu wariyay telefishinka dadweynaha Israa’iil ee Kan. 

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay mid lagu qarinayo ujeeddooyin istiraatiijiyadeed, uuna xasillooni darro ka abuuri karo Geeska Afrika.  

Falanqeeyayaal la hadlay Al Jazeera ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu xiriir la yeelan karo goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland oo ku taalla Badda Cas, kana soo horjeedda kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News