26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Maxaa ka jira in Mahad Salaad dib loo magacaabayo? + Kulamo xasaasi oo dhacay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la xaqiijiyay in isbeddel hoggaamineed uu ka dhow yahay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), iyadoo dib loo magacaabayo Agaasimihii hore Mahad Maxamed Salaad.

Mahad, oo horey u soo maray xilka Taliyaha NISA, ayaa mar kale hantay kalsoonida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii dib loo qiimeeyay xaaladda amniga oo meel xun gaartay.

Mahad Salaad ayaa sannad ka hor laga qaaday xilka, si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha Galmudug, balse wuu ku guuldareystay, taas oo keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo kordhin u sameeyo madaxda dowlad-goboleedyada.

Taliyaha hadda hoggaamiya NISA, Cabdullaahi Sambalooshe, iyo Mahad Salaad oo la filayo in lagu beddelo, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la yeeshay kulamo saacado qaatay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Kulamadaas oo ahaa kuwo gaar gaar ah ayaa loo fasiray in lagu isu laab-xaaray Mahad iyo Sambalooshe, iyadoo loo diyaar garoobayo kala wareegooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laba toddobaad kahor ku wargeliyay Sambalooshe inuu xilka ka qaadayo, balse Sambalooshe ayaa u arkay tallaabadaas mid dhaawacaysa sumcaddiisa siyaasadeed, maadaama ninka lagu beddelayo uu yahay qofkii uu xilka kala wareegay.

In Mahad Salaad dib loogu magacaabo xilkaan ayaa muujinaysa in shaqadiisa dib loo qiimeeyay, iyadoo Sambalooshe uu arrintaas ka dhiidhiyay oo u arkay bahdil siyaasadeed.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh la doortay, oo 15-ka May ay ka buuxsami doonto saddex sano, waxa uu beddelay Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda Qaranka. Haddii uu Mahad Salaad magacaabo, wuxuu dib usoo celinayaa saddex kamid ah afartii Taliye ee uu hore xilka uga qaaday.

Qaar ka mid ah dadka arrimaha siyaasadda falanqeeya ayaa ku dhaleeceynaya Madaxweyne Xasan Sheekh in ajandihiisa amniga iyo difaaca qaranka uusan ahayn mid sal adag leh, islamarkaana uu go’aamada ku qaato saaxiibtinnimo iyo dano gaar ah, iyadoo sidoo kale la tilmaamayo in cadaadisyo caalami ah iyo dildillaacyo siyaasadeed oo ka jira Midowga UPD ay door ka ciyaarayaan isbeddelladan.

Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha xilka banneynaya, Cabdullaahi Sambalooshe, oo dhowr safar shaqo ku bixi doona maalmaha soo socda, ayaa la filayaa in marka uu safaradiisa soo afjaro xilka laga qaado. Safarkiisa ugu horreeya ayaa ku wajahan dalka Itoobiya.

Isbeddellada joogtada ah ee Madaxweynaha uu ku sameynayo Wasaaradaha Difaaca, Arrimaha Dibadda, Amniga iyo Talisyada Ciidamada ayaa mar walba hakad gelinaya horumarka dagaalka lagula jiro argagixisada, iyagoo sidoo kale abuura firaaqo shaqo oo ay ka faa’iidaystaan kooxaha Khawaarijta ah.

Talaadada soo socota ayaa la qorsheeyay in si rasmi ah loo shaaciyo xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, halka Khamiista toddobaadkan la filayo in la magacaabo Mahad Salaad, haddii aysan wax iska beddelin sida hadda lagu balamay.

 

- Advertisement -

Read more

Local News