Xog: Maxaa ka jira in Qalbi Dhagax iyo Sanbaloolshe ay ku wada sugan yihiin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ay kuwada sugan yihiin Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Somalia Cabdullahi Sanbaloolshe iyo Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Sanbaloolshe ayaa la xaqiijiyay in magaalada Nairobi uu uga sii horeeyay Qalbi-Dhagax, waxaana lasoo sheegayaa in labada mas’uul ay ku kala sugan yihiin laba Hoteel aan sidaa usii kala fogeyn.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in labada mas’uul aysan wali is arag inkastoo Saraakiisha ONLF ay iska fogeynayaan Sanbaloolshe hadana waxaa jira dadaalo lagu doonaayo in labaduba lagu wada kulansiiyo maadaama Sanbaloolshe uu go’aanka dhiibista Qalbi-Dhagax dusha ka saaray madaxda ugu sareysa dalka.

Sanbaloolshe oo dhawaan ku biiray garabka mucaaradka dowlada Somalia ayaa waxaa la kulanka Qalbi-Dhagax ku cadaadinaaya Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ka tirsan garabka mucaaradka oo intooda badan xiligaani ku sugan Kenya.

Sidoo kale, warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu safar ka yahay dalka Kenya si aysan u wada kulmin Sarkaalka ONLF oo xiligaani aad u niyad xun.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana mar waliba suuragal ah in labada mas’uul lagu dhex dhexaadiyo magaalada Nairobi maadaama xiligaan ay ka mideysan yihiin mucaaradnimada dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com