Xog: Maxaa ka jira inuu xanuunsan yahay hogaamiyaha Daacishta Somalia?

Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya inuu xanuunsan yahay Hogaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulkhaadir Muumin oo uu Saldhigiisu yahay Buuraaleyda Galgala ee dhulka Puntland.

Hogaamiyaha ayaa la xaqiijiyay in muddo ku dhow laba asbuucuu yahay mid la il daran xanuuno isbiirsaday oo inta badan ku dhaca dadka da’da ah.

Ilo ku dhow dhow Hay’adaha amaanka maamulka Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in Hogaamiyaha uu yahay mid itaal gabay, waxa ayna xaqiijiyeen in xanuunada haya ay kamid tahay Macaanka.

Waxa ay sheegen in dhibta ugu badan ee xiligaan heysata Hogaamiyaha ay tahay dabiib la’aan, waxaana xusid mudan in dawooyinka uu ku heysto Buuraha ay tahay mid aan ku filneyn.

Hogaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulkhadir Muumin ayaa iminka ku go’doonsan Buuraaleyda Galgala oo Saldhig u ah Maleeshiyada, waxaana lasoo warinayaa inay dul heehaaban diyaarado nooca aanu isha qaban ee isugu jira basaaska iyo duqeynta.

Sidoo kale, ciidamada amaanka maamulka ayaa wixii ka danbeeyay xogtaan aad u adkeeyay xeebaha maamulka ee laga cabsi qabo in Hogaamiyaha laga safriyo.

Docda kale, waxaan la ogeyn sida uu noqon doono xaalka Hogaamiyaha Muumin oo u muuqda mid ay daashadeen cuduro ku dhaca dadka da’da ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com