Xog ku saabsan wada-hadalka dhowaan u furmaya DF iyo Somaliland

Iyadoo la filayo in bilowga bisha March wadanka Jabuuti wadahadalo ku yeeshaan Madaxweynaha dowada Federaalka Soomaaliya Maxaamad Cabdulahi Farmaajo iyo Somaliland Muuse Biixi ayaa waxaa warar dheraad ah kasoo baxayaan dhinacyada ku lug leh qabsoomida kulankaan.

Wadahadalkaan ayaa waxaa sahlaya hay’ad laga leeyahay dalka Switzerland oo la yirahado “The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD)”.

Hay’adaan oo madaxdeeda uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamad Cabdulahi Cumar ayaa sida xogtaan sheegeyso udub dhexaad u ah diyaarinta kulankaan.

Maxamad Cabdulahi Cumar oo saldhigiisu yahay Nairobi ayaa waxaa wayadaan dambe xiriir dhow uu la lahaa dowlada Federaalka Soomaliya gaar ahaan Siyasiyiinta Somaliland ee xilalka ka haysa Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada Somaliland ayaa sidoo kale aad ugu dhow Madaxweynaha cusub ee Somaliland isagoo dhinaca kale isku xira beesha caalamka iyo Muuse Biixi.

Lama yaqaan ajandaha wadahadalkaan oo gogoshooda hore uu dhigey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele balse waxaa hubanti ah in maamulka Muuse Biixi aad u raadinayo in dib loo bilaabo wada-xaajoodkaan.

Dowlada Turkiga ayaa horey u qaban jirtey wadahadalada u dhexeyn jirey Dowlada Soomaaliya iyo Somaliland balse waxay noqdeen kuwo aan natiijo ka soo bixin.

Lama oga ajendaha looga hadlayo kulamadan hadii ay dib u furmaan balse wax la rumeysan yahay in siyaasiyiinta xillalka ka haya Muqdisho ee kasoo jeeda Somaliland raadinayaan inuu kasoo baxo heshiis ka duwan nooca Federaalka ee ka jira Soomaaliya maanta. Siyaasiyiintaan ayaa qabta in dalka Soomaaliya lagu saleeyo awood qaybsi ku saleysan Koonfurta Soomaaliya iyo Woqooyiga iyadoo Somaliland la siinayo madax banaani maamul oo ka awood badan midda nidaamka Fedraalka we hadda jirta.