Xog: Maxaa ka run ah arrinta ay warbaahinta ISRAEL ka qortay in DF ay qorsheyneyso?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beeniyey warbixino ay qoreen warbaahinta Israel oo sheegaya in Muqdisho ay ka fakareyso inay xiriir diblomaasi la yeelato Israel. 

Wargeyska Times of Israel ayaa shalay qoray in afhayeen u hadlay madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in dowladda ay kala tashaneyso baarlamanka suurta-galnimada ah inay xiriir diblomaasi la sameysato Israel. 

Wargeyska ayaa sheegay in warbixinadan oo ka yimid warbaahinta Channel 12 iyo Kan News aan si madax-banaan loo xaqiijin karin. 

Ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyey in afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya uusan marnaba la hadlin warbaahinta xigatay, islamarkaana warbixinta wargeyska Times of Israel ay tahay been abuur. 

“Waxaan ilaa hadda la yaabannahay cidda mar kasta beentan naga faafineysa iyo ujeedada laga leeyahay,” ayuu yiri ilo-wareed ka tirsan dowladda oo la hadlay Caasimada Online, kaasi oo sheegay inay suurta-gal tahay in arrintan ay ka dambeeyaan dad mucaaradsan madaxweynaha oo Soomaali ah.  

“Ma jirto cid ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo la hadashay warbaahin Israel. Madaxweynaha wuxuu hadda ku mashquulsan yahay soo celinta askarta Soomaaliyeed ee ku maqan Eritrea.”
 
Israel ayaa bishii August 2020 waxay xiriir la sameysatay dhowr dal oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Bahrain. Sidoo kale bishii October, Sudan ayaa ku biirtay dalalka xiriirka la sameystay Israel.
 

Hase yeeshee ma muuqato hadda muhiimad ay Israel u leedahay xiriir ay la yeelato Soomaaliya iyo waxa ay ka faa’iideyso iyo sidoo kale wax dan ah ee Soomaaliya ugu jira.

Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv.

Times of Israel ayaa bishii May qoray inuu diblomaasi Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh u sheegay in dib ugu soo laabashadiisa xukunka ay horumar togan u tahay xiriir dhex-maray Soomaaliya iyo Israel.

Wararka la xiriira xiriirka Israel oo soo shaac-baxay intii uu Xasan Sheekh ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayey sidoo kale horey u beenisay madaxtooyada Soomaaliya.