Xog: Maxaa kala socotaa 3 arrin ee caqabada ku noqon doonta in Xasan uu soo laabto?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu iminka la kulmayaa caqabado hor leh oo ka heysta dhanka ololihiisa doorasho kadib markii uu garab Siyaasadeed ka waayay saaxiibada caalamka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu gaabis ka helay ilaa Seddex kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia kuwaasi oo horay ay uwada galeen Axdi ku aadan dib usoo laabashadiisa.

Caqabadaha heysta Xassan Sheekh oo aan lasoo koobi karin ayaa waxaa hadana jira ilaa 3 Caqabadood oo ka hor istaagi kara in mar kale uu dib u qabsado xukunka.

Caqabadaha lama gudbaanka ah ee iminka hortaagan Xassan Sheekh ayaa ah:
1-Dhaqaalo gaara oo uu ka dalbaday Britain oo looga baxay taasi oo qorshuhu ahaa inuu kaga gudbo ololihiisa.

2-Diblumaasiyiinta Britain, Mareykanka, Turkiga, Kenya iyo Imaaraadka ka jooga Somalia oo Xassan ka dalbaday inuu nasiin galo si dowlada cusub ee imaan doonta tan ku xigta uu isugu soo taago.

3-Caqabado ka heysata dhanka ololaha oo ku xeeran Heykalka uu noqon doono ololihiisa iyo Guddiga u qaabilsan oo uu tashwiish soo kala dhexgalay.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaan wali dhag jalaq usiin codsiga ah inaanu isu soo taagin xilka isla markaana Afarta sanno ee soo socta uu nasto.

Dowlada saaxiibada la’ah Somalia ayaa iyagu doonaaya in Madaxweynaha cusub ee Somalia uu noqdo mid u nugul danahooda sida kuwa iminka majaraha u haya dalka.

Madaxweyne Xassan qudhiisa ayaa dareensan in isbedel Siyaasadeed ay ku wadaan reer galbeedka, hayeeshee waxa uu ku indha adeegayaa sida mar kale uu ku qabsan lahaa xukunka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com