Xog: Jawaari oo waji gabax kala kulmay CC iyo kulan fashil kusoo dhamaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulan dhexmaray Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu fashil kusoo dhamaaday.

Fashilka kulankaani ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Ra’isul wasaaraha usoo bandhigay inuu sameeyo tanaasul isla markaana uu taageero u muujiyo Xassan Sheekh si haddii uu guuleysto loogu soo celsho xilkiisa Ra’isul wasaarenimo.

Jawaari waxa uu Ra’isul wasaaraha u sheegay in looga baahan yahay inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa, waxa uuna dhanka kale u ballanqaaday in mar kale uu noqon doono Ra’isul wasaaraha dalka waa haddii ay dhacdo in Xasan Sheekh uu ka guuleysto musharaxiinta kale.

Jawaari ayaa sidoo kale Sharmaarke u sheegay in fariintaasi ay kaga timid dhanka Madaxweynaha isla markaana ay jecleysan lahaayen inuu aqbalo dalabka si ay u muujiyaan isku xirnaan.

Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa dhankiisa ka qaadacay fariinta uu ka gudoomay Jawaari, waxa uuna sheegay inuu aad uga xun yahay in faragalin uu kusoo sameeyo howlihiisa gaarka ah.

Sharmaarke waxa uu Jawaari u sheegay in mowqifkiisa uu yahay inaanu sameyn wax tanaasul ah, isla markaana uu ku niyad wanaagsan yahay inuu la loomo kuwa u taagan xilkaasi.

Sharmaarke waxa uu Jawaari ka codsaday in faraha uu kala baxo howlihiisa olole, waxa uuna si cad u sheegay in tanaasul uu ka doorbidaayo in laga guul dareysto.

Jawaari ayaa ku fashilmay qorshihii ahaa inuu niyad jabiyo Ra’isul wasaare Cumar oo ah musharax cabsi galiyay Xassan Sheekh.

Dhinaca kale, Fashilka Jawaari uu kala kulmay Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale imaanaya iyadoo uu mugdi soo kala dhexgalay Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com