Xog: Xasan oo taatiko layaab leh la dheelaya musharaxiinta kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisa dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorsho cusub oo uu ku kala furfuraayo Musharaxiinta culeyska ku haya ee miisaanka culus.

Xassan ayaa kala furfurka Musharaxiinta u adeegsanaaya xubno iyaga kamid ah kuwaasi oo aan aheyn musharaxiin dhab ah, balse uu Xassan Sheekh sameystay si ay macluumaadka ugu uruuriyaan kuwa ay ku dhex jiraan.

Kala furfurka musharaxiinta ayaa waxaa qeyb ka qaadanaaya diblumaasiyiin ka kala tirsan Safaaradaha Ethiopia iyo Imaaraadka kuwaasi oo dhaqaale la dabataagan Xassan Sheekh.

Xassan waxa uu sidoo kale sameystay xubno aad u firfircoon oo dhexgal ku sameeya musharaxiinta si ay u kala geeyan xubnahaasi musharaxiinta ah ee culeyska ku haya Xassan.

Xubnahaani ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Faarax C/qaadir, Mahad Salaad iyo Xubno kale oo dhowr ah kuwaasi oo qaarkood ololaha uwada musharaxiinta kasoo horjeeda Xassan Sheekh.

Xassan ayaa dhaqaalaha ugu badan ku bixinaayo sida lagu kala yareyn lahaa Musharaxiinta dhowrka ah, waxa uuna aad uga cabsi qabaa Musharaxiinta kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Jabriil Cabdulle iyo Shariif Xassan.

Lama saadaalinkaro guusha iyo guul darada Xassan Sheekh uu kala kulmi doono isku daygiisa ku aadan kala fogeynta musharaxiinta kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com