Guuleed “Waxaan ka baxay Maddi-nimaddii muddo badan i heysay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xalay ku hoyday magaalada Jowhar kadib markii uu ka qeyb galay doorashada shalay ka dhacday magaalada.

Madaxweyne Guuleed oo safarkiisa ay ku wehlinayeen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo xildhibaano ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka ayaa waxay ku sugnaayeen goobta lagu doortay madaxweynaha HirShabeele.

C/kariin Guuleed, ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin iney helaan maamul deris ay yihiin oo ay iska kaashan doonaan arimo badan oo amaanka ay ugu horeyso.

Mar uu ka hadlayay munaasaba ayuu sheegay inuu ka baxay madi ahaanshihii uu kala jeeday in maamul kale uusan ka jirin dhanka Koofureed ee maamulkaasi balse ay deris ahaayeen Puntland oo dagaalo ay kala dhaxeeyaan.

Sidoo kale hadalkaasi ayuu kala jeeday maamulka labaad ee ay isbaheysan karaan maadaama maamulada qaar ee dalka ka jira ay isbaheysi yihiin.

Gudoomiyaha baarlamaanka HirShabeele ayaa dhankiisa Guuleed u sheegay in markaan uu helay walaalkiis muddo ka maqnaa oo mar dambe uusan kali ahaan doonin.

Waa hadalo siyaasadeed oo ay jeediyeen C/kariin Guuleed iyo afhayeenka baarlamaanka HirShabeele.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com