Xaalada Gaalkacyo oo kacsan iyo ciidamada Galmudug oo kusoo siqay Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa saaka kacsan xaalada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegayaa in Saaka ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan, waxa ayna Saraakiisha hogaamisa ku goodinayaan inay weerar ku qaadi doonaan Xarumaha ciidam ee maamulka Galmudug ee ku yaalla furumaha dagaalka.

Galmudug ayaa sidoo kale horay usoo durjisay ciidamadeeda waxaana la sheegayaa in Habeenimadii xalay ay furumaha dagaalka gaaren ciidamo Galmudug oo dheeri ah.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada Puntland ayaa ku goodinaaya inay dagaal ku qaadayaan Galmudug waa haddii aan ciidamadeeda dib looga durjin goobaha ay xalay kusoo siqeen.

Daandaansiga ay wadaan ciidamada Galmudug ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay magaalada Gaalkacyo ay ka socdeen dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ka baxsaday colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhibaateysan duleedyada Magaalada Gaalkacyo.

Dhaqdhaqaaqaani ayaa imaanaya iyadoo labada maamul ay wada gaaren heshiisyo hordhac ah oo dhowr qodob ka kooban, waxa ayna u muuqataa in Heshiisyadaasi ay burburi doonaan haddii uu dagaalka qarxo.

Heshiiskan oo ay gaareen Gaas iyo Guuleed ayaa u xayiran in Gaas uu madaxda kale ee Puntland ka dhaadhiciyo inay aqbalaan heshiiska, si rasmi loogu shaaciyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com