Xog: Faarax C/qaadir iyo Shariif Xasan oo isku soo dhowaanaya iyo Ethiopia oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Dowlada Ethiopia ay Xildhibaan Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday ku amartay inuu taageero ololaha musharaxnimo ee Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Faarax oo ololo u wada Xasan Sheekh, ayaa waxaa hadana lagu sii amray in ololahaasi uu kusii dhex wado kan Shariif Xassan oo labada musharax aysan musharaxnimada u dhaafin.

Xildhibaan Faarax ayaa la sheegay in la gudoonsiiyay warqad ay ku qoron tahay amarkaasi xili looga yeeray Safaarada ay Ethiopia ku leedahay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Madaxtooyada Somalia.

Xildhibaan Faarax oo xiligaani miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia ayaa iminka ku jahwareersan qaabka uu labadaasi mas’uul ugu wada sameyn lahaa ololaha maadaama Xassan Sheekh iyo Shariif Xasan ay wadato dowlada Ethiopia.

Faarax ayaa marka la’eego Siyaasad ahaan ku dhow Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday maadaama ay xili hore ahaayen macrif, halka Siyaasada Shariif Xassan uu inta badan iska ilaaliyo.

Faarax C/qaadir ayaa qudhiisa xiriir dhow la leh Dowlada Ethiopia oo uu dhalasho ka heysto, waana tan sababtay in lagu khasbo inuu la shaqeeyo Shariif Xassan.

Amarka ay Ethiopia dul dhigtay Faarax ayaa sababi kara in Xassan Sheekh uu ka baxo saaxada maadaama ay dowlada Ethiopia si gaara dhaqaale aad u xoogan ugu bixineyso Shariif Xassan.

Lama saadaalinkaro sida Xildhibaan Faarax C/qaadir uu isku waafajin doono labada olole, waxaana la sheegayaa in la dabadhigay xubno taageersan Shariif Xassan si ay ula socdaan haddii uu Faarax laqdabo ku wado Musharax Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com