Gudoomiyihii Hiiraan & Dabageed oo badalay mowqifkii HirShabeele ay ka qabeen

Beledweyne (Caasimada Online)-Gudoomiyihii gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax iyo gudoomiyaha hadda xilka haya Yuusuf Dabageed ayaa badalay mowqifkoodii hore ee Shirka Jowhar.

C.fataax Xasan Afrax gudoomiyihii gobolka Hiiraan oo ku sugnaa magaalada Jowhar kana qeyb galay  doorashada ka dhacday magaalada  ayaa sheegay in maalin kadib madaxweynaha la doortay ay ka dajin doonaan magaalada Beledweyne.

C/fataax wuxuu sheegay in wax shir ah oo looga soo horjeedo doorashada magaalada Jowhar inuusan ka socon magaalada Jowhar ayna taageersan yihiin madaxweynaha cusub ee la doortay.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo saxaafada kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay inuu la dhacsan yahay doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar.

“Jowhar wax fiican ayaa ka dhacday doorasho cadaalad ah ayaa ka dhacday, maamulkaas inuu dhismo waqti dheer la sugayay, markii horena la iskuma diidaneyn Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, la isku dari maayo, maamulkaan waa wax dadka ka dhaxeeya, waana guul u soo hoyatay shacabka labada gobol”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Dabageed wuxuu sheegay in doorashada magaalada Jowhar ay aheyd mid aan laga daba hadli karin ayna waajib tahay in lala shaqeeyaa shaqsiyaadka kusoo baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com