Sawirro: Saddex Musharax oo xalay ku kulmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku kulmay seddax murashax oo u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Jabriil Ibraahim Cabdulle, Amb. Maxamed Cali Ameeriko iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxay kulankooda iskula soo qaadeen arrimaha doorashada ee la filaayo in ay qabsoonta 30 November.

Murashaxiintaan ayaa kulankooda ku gorfeeyay u diyaar garowga doorashada madaxtinimada iyo in aysan mar kale dib u dhicin, waxaana ay xuseen in loo baahan yahay in laga gudbo waxyaabaha dib u dhaca u keenaya xiliga loo asteeyay qabsoomida doorashada.

Sidoo kale, murcshaxiinta, Maxamed Cali Ameeriko, Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo C/qaadir Cosoble ayaa hambalyo ku diray maamulka cusub ee Hirshabeelle madaxweynahooda Cali C/llaahi Cosoble iyo kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe oo ku guuleystay doorashadii gelinkii danbe ee maanta ka dhacday magaalada Jowhar, waxayna u rajeeyeen in xilka lagu aaminay illaahey la garab galo.

Seddaxdaan murashax ayaa miisaan culus ku dhex leh ololaha doorashada ee ka socda gudaha magaalada Muqdisho, waana kuwa ugu muuqda ee ololahooda laga dareemayo Muqdisho.

ameeriko-jabriil-cosoble-1ameeriko-jabriil-cosoble-2

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com