Ethiopia oo daandaansi ku heysa Kenya iyo Oromo baxsad oo…

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta ayaa aad u hadal heysa ciidamo ka tirsan Ethiopia oo awood ku galay xadka Kenya kuwaasi oo la sheegay inaysan ogolaansho ka heysan dowlada Kenya .

Ciidamadaani Ethiopianka ah ayaa xoog ku gaaray Tuulladda Golole oo 9 KM dhanka Galbeed kaga toosan Saldhigga Boliska ee Sololo, waxaana la sheegay in halkaasi ay ka baadi goobayeen Shaqsiyaad lala xiriirinaayo kacdoonka ay Qowmiyada Oromada ka wadaan deegaanada ay ka degaan Ethiopia.

Ciidamadaani ayaa la sheegay in dadka Tuulladda Golole ay ka mamnuuceen dhaqdhaqaaqa waxa ayna halkaasi kala baxeen dhowr qof oo la sheegay inay ahaayen Oromo lafdhabar u ahaa kacdoonka.

Ciidamadaani ayaa la sheegay in tirro ahaan ay gaarayaan ilaa 150 Askari oo aad u gaashaman, waxa ayna ku sigteen inay isku dhacaan ciidamada Kenya ee xadka jooga.

Xubnaha la qabtay ayaa miisaan ku dhex lahaa Jabhadda Xorreynta Oromo ee Oromo Liberation Front ee OLF.

Dowlada Ethiopia kama aysan hadal sababta ay uga idin qaadan weysay Dowlada Kenya si ay halkaasi uga fuliso howlgalka.

Labada dal ayaa lagu wadaa inay wada furaan wadahadal ku aadan xadidida xadgudubyada, maadaama ay Ethiopia caadeysatay inay gudaha u galaan Kenya amar la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com