Ethiopia oo sharci adag kusoo rogtay shisheeyaha dalkeeda ku nool

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa ku dhawaaqday mamnuucida dhaqdhaqaaqyada warbaahinta shisheeyaha ee ka howlgasha magaalada Addis Ababa iyo qaar kamid ah Gobolada dalkaasi.

Dowlada Ethiopia waxa ay warbaahinadaasi ka howlgala gudaha Ethiopia ku eedeysay hurinta Kacdoonada ka jira deegaanada Oromada.

Dowladu waxa ay sidoo kale ku dhawaaqday inay xadideyso socdaalka diblomaasiyiinta shisheeye ee kusoo qulqulaaya dalka Ethiopia kuwaasi oo aan la garaneynin danaha gaarka oo ay ka leeyihiin safaradooda.

Dowladu waxa ay sheegtay in Diblomaasiyiinta shisheeye ee ku dhaqan dalka Ethiopia aysan awood u laheyn inay tagaan goobaha ay ka socdaan kacdoonka ee xaalada degdega ah lagu soo rogay.

Waxa ay dowladu sheegtay in Diblomaasiyiinta Dibadda ay mamnuuc ka tahay inay u safraan wax ka badan 40 kiiloomitir oo ka baxsan caasimadda, Addis Ababa, ammaankooda dartiis.

Nuqul kamid ah haddal uu jeediyay diblomaasi reer Galbeed ah ayaa ahaa ”tani waa xaalad degdeg ah oo aan ka filan karno tallaabooyin cadaadis ah,”

Sidoo kale, Dowlada Ethiopia go’aankeeda cusub ayaa waxaa kamid ah in 6-dii galabnimo ilaa 6-dii aroornimo ay bandow tahay agagaarka warshadaha, beeraha iyo hay’addaha dawladda.

Go’aankaani cusub waxa uu dhigayaa in Ciidamada ammaanka laga mamnuucay inay fasax qaataan ama iska casilaan shaqooyinkooda inta lagu guda jiro 6-da bil ee xaalada degdega ah.

Dhanka kale, Dowladu waxa ay jartay inta badan qadadka Interneetka, Teleefoonada gacanka si loo koontaroolo xaalada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com