Sawir qosol badan: Duur joogta Somalia oo ku loolameysa Aqalka Sare ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkanai xigmadeysan ayaa waxaa loola gol leeyahay loolanka ka dhextaagan Musharaxiinta u tartameysa Aqalka Sare ee dalka.

Loolanka ayaa waxaa lagu miisaalay inuu ka dhexeeyo duurjoogta dalka sida Danyeerka, Waraabaha iyo Doofaarka waxa uuna mid waliba ku taamayaa inuu helo xubinimada Aqalka Sare.

Daanyeerka oo lagu miisaalinaayo xubin kamid ah kuwa ku loolamaaya Aqalka Sare ayaa waxa uu isku dayayaa inuu ka maskax badiyo xeywaanaadka kale.

Daanyeerka oo xubinimadaasi ku dhiiran ayaa waxa uu adeegsanayaan dhaqaale shandado ku jira si uu uga mid noqdo Aqalka Sare.
aqalka-sare