Madaxweyne ku xigeenkii laga guuleystay oo arin ceeb aheyd shirka ku soo bandhigay

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar waxaa xalay lagu soo idleeyay dhismaha maamulka HirShabeele oo muddo sagaal bilood ah ka socday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeele.

Doorashada ayaa waxaa ku guuleystay madaxweynaha maamulkaasi Cali Cabdulaahi Cosoble, iyadoo madaxweyne ku xigeen uu helay Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe.

Madaxweyne ku xigeenkii laga guuleystay Cali Xasan Taakow oo ka hadlay xaflada ayaa shaaciyay sababaha keenay in doorashada xalay ee madaxweyne ku xigeen looga guuleystay, taasi oo dad badan ay ceeb u arkeen.

Cali Taakow, ayaa madasha ka sheegay in sababta looga guuleystay ay aheyd inuusan bixin wax lacag ah oo uusan siinin xildhibaanada, wuxuuna sheegay in lacag la’aan aysan heysan balse uu tijaabinayay xildhibaanada, sida uu sheegay.

Intii hadalkiisa uu watay wuxuu jeebka jaakadiisa uu kasoo bixiyay lacag gaareyso soddon kun oo doolar “30,000” isaga oo muujiyay inuu dhaqaalo heystay balse uu doonayay inuu ogaado xildhibaanada iyo doorkooda.

Arintaasi ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Jowhar, waxayna noqotay mid ceeb weyn ay u arkeen xildhibaanada iyo shacabkoo xaflada ku sugnaa,

Wuxuu arintaasi ku cadeynayay iney jireen xildhibaano lacag qaatay.

Cali Taakow ayaa xildhibaanada ka helay 10 cod halka Guudlaawe uu helay inka badan 80 cod.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com