Xog: Madaxda HirShabelle oo marti u ah Ugaaska Xawaadle

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax, oo kamid ahaa Mucaaradka maamulka dhismihiisa lasoo gabagabeeyay ayaa ka hadlay qaabka ay u dhacday doorashada Madaxweynaha mamaulka HirShabelle.

C/fitaax oo kasoo jilcay mucaaradnimadiisa ayaa waxa uu sheegay in qaab wanaagsan loo soo agaasimay doorashada isla markaana ay kusoo dhamaatay guul la taaban karo.

Afrax waxa uu sheegay in maamulka HirShabelle uu noqon doono mid si rasmi ah uga dhaqangala Gobolka Hiiraan, waxa uuna tilmaamay in Hiiran uusan ka shaqeyn doonin maamul kale.

Dadka Hiiraan ayuu sheegay inay soo dhaweyn doonaan maamulka cusub, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Hiiraan laga dhisi doono maamul lagu luqaafeynaayo kan HirShabelle.

Afrax waxa uu sidoo kale, sheegay in maalinta nagu soo beegan ay madaxda HirShabelle ka degi doonaan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxda gaari doonta Beledweyne ayuu sheegay inay kamid noqon doonaan labada Madaxweyne oo iyagu u kuurgali doona xaalada Gobolka Hiiraan isla markaana wadahadal hordhac ah la furi doona Ugaaska Beesha Xawaadle.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka cusub ayaa waxaa looga fadhiyaa in muddo cayiman uu kusoo dhiso Golaha Wasiirada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com