Sawirro: Soomaali iyo Ajaanib kale oo hooy looga dhigay xabsi ku yaalla..

Haarlem (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa Xabsi ku yaalla dalka Holland oo hooy looga dhigay dad magangalyo doon ah oo ay Soomaali ku jirto.

Dadkaani magangalya doonka ah ee lagu guray xabsigaasi ayaa kasoo kala jeeda wadamo dhowr ah oo ay kamid yihiin Somalia, Ciraaq, Syria iyo wadamo kale oo african ah.

Xabsigaani ayaa la sheegay in maalmo un ka hor laga raray maxaabiis danbiyo kala duwan u xirnaa, waxaana ugu danbeyntii la dajiyay kumanaan kun oo qaxooti ay Soomaali ku jiraan.

Xabsigan ayaa lagu magacaabaa De Koepel, wuxuuna ku yaalaa magaalada Haarlem.

Saxaafda qaar ayaa warar xumaan ah ka sheegaya xabsigaasi waxaana la tilmaamayaa inay ka jirto xaalad nolol xumi oo ay ugu horeyso daryeel la’aan.
xabsiholland1

xabsiholland2

xabsiholland3

xabsiholland4

xabsiholland5

xabsiholland6

xabsiholland7

xabsiholland10

xabsiholland11

xabsiholland12

xabsiholland15

xabsiholland16

xabsiholland17

xabsiholland18

xabsiholland19