Sawirro: Caalamka oo hadal haya gabar Soomaali ah oo si cajiib u shaqeysata

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

Oslo (Caasimada Online) – Tv-yada dalka Norway ayaa hadal haya Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Caasho Cali Maxamed taa oo wade ka noqoto gaari nooca Baska loo yaqaan.

Caasho Cali Maxamed ayaa shaqadaani geesinimada leh kawada magaalada Oslo ee dalka Norway, waxa ayna noqoneysaa gabadhii ugu horeysay oo wade ka noqotay gaari Bas ah.

Gabadhaani Soomaaliyeed waxa ay warbaahinta qeybaheeda kala duwan u sheegtay inay ahaan jirtay mid ku riyoota wadista gaadiidka Baska ah, balse maanta ay u rumowday riyadeeda.

waxaa jira gabdho farabadan oo Soomaali ah kuwaasi oo Caasho ku booqda guriga si ay ugu mabruukeyan maadaama ay tahay gabadhii ugu horeysay Soomaali ah oo wade gaari ku noqota magaalada Oslo ee dalka Norway.

Waxa ay aaminsan tahay in wax waliba oo leysku dayo la sameynkaro.
1

2

3

4