Xog: Heshiis ka kooban 5 qodob oo dhex maray Puntland iyo Galmudug

Dubai (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo goordhow soo gaaray Caasimada Online ayaa sheegaya in heshiis KMG ah oo ka kooban Afar qodob uu dhex maray Puntland iyo Galmudug.

Heshiiskaan ayaa waxaa qayb ka ah madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhamaadey, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online.

Madaxweynaha Puntland oo wadanka Imaraadka Carabta ku sugan ayaa wararku sheegayaan inuu 24 saac ee la soo dhaafey ku mashquulsanaa sida uu saraakiisha iyo madaxda kale ee Puntland ugu qancin lahaa heshiiskaan, ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Heshiiskaan ayaa qoraya;

1-In xabad joojin degdeg ah labada dhinac sameeyaan;

2- In la joojiyo dhismaha suuqa xoolaha lagu iibsho ee dagaalku ka dhashay.

3- In guddi ka kooban labada dhinac oo heer wasiir ah kulmaan maalmaha soo socda.

4- In la furo garoonka diyaardaha ee ku yaal dhinaca Galmudug.

5- In kulanka ugu dambeeya dowlada Puntland iyo Galmudug ku yeeshaan magalada Muqdisho Iyadoo goob joog yihiin madaxdii hore ee Madasha.

Heshiiskaan ayaa imaanaya xilli magalada Garowe ku sugan yahay Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid, kaasoo qayb ka ahaa heshiiskii hore ee fashilmey oo dhexmarey labadaan maamul.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in heshiiskan ay Gaas iyo Cabdi Kariim Guuleed ku gaareen dhinaca khadka taleefonka.

Heshiiska ayaa hadda u xayiran in Gaas uu ku qanciyo madaxda kale ee Puntland, waxaana lagu dhowaaqi doonaa marka ay taas dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com