28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Xog: Maxaa loo xiray taliye Diyaad, maxaase ka dhaxeeya isaga iyo Cabdirashiid Janan?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xabsi la dhigay Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Luuq ee Gobolka Gedo Diyaad Cabdi Kaliil.

Taliyaha ayaa waxaa xiray ciidamo ilaalo u ahaa Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Nuur Janan.

Ciidamo aad u farabadan ayaa Taliyaha kala baxay hooygiisa ku yaala degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana amarka xariga bixiyay Wasiirka Amniga.

Xariga Taliyaha ayaa daba socda Qarax lala eegtay gaari uu lahaa Wasiirka Amniga Jubbaland, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Wasiirka.

Taliye Diyaad Cabdi Kaliil oo loo xiray Qaraxa, ayaa waxaa soo baxaaya in loo heysto ku lug lahaanshiyaha Qaraxaasi lala eegtay Wasiirka iyo Ilaaladiisa, inkastoo xarigiisa uu yahay mid shaki ku eg.

Deysmada Taliyaha ayaa waxaa ku howlan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana la xaqiijiyay in Wasiirka uu waayadani Khilaaf kala dhexeeyay Taliyaha.

Dhinaca kale, maamulka Gedo ayaan weli ka hadal Xariga Taliyaha Saldhiga oo ahaa mid mar hore lasii qorsheeyay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News