Xog: Maxaa u sabab ah in Jawaari uu ka hor yimaado golaha wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo muujinaaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu khilaaf ba’an kala dhexeeyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Khilaafka labada mas’uul ayaa soo shaac baxay kadib markii Ra’isul wasaare Kheyre uu laalay Shaqsiyaad uu Jawaari la doonaayay kamid noqoshada Golaha Wasiirada kuwaa oo lagu bedelay shaqsiyaad kale oo uu watay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wasaaradaha uu sida gaarka ah u daneynaayay Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inay kamid yihiin Wasaaradaha Gaadiidka Cirka iyo dhulka ama Maaliyadda.

Jawaari waxa uu Kheyre hordhigay in labadaasi Wasaaradood midkood laga siiyo Golaha Wasiirada, Hayeeshee waxaa kasoo hoos baxay Shariif Xasan oo qaatay dhammaan xubnihii Koonfur Galbeed ay ku laheyd Golaha.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa intii lagu jiray xulista Golaha Wasiirada u janjeeray dhanka Shariif Xasan, waxa ayna taa sababtay in Jawaari uu ka jawaabo diidmadii uu kala kulmay Kheyre.

Docda kale, Khilaafka Kheyre iyo Jawaari ayaa iminka gaaray heerkii ugu adkaa waxa ayna caqabadu tahay sida Golaha lagu marin lahaa Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com