Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe cusub oo qad cagaaran looga sameynayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah qorshaha loogu magac daray xasilinta, sida ay ilo-wareedyo amni u sheegeen Caasimada Online.
Qorshahan ayaa waxaa soo hindisay taliyaha nabad-sugidda qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe, waxaana la doonayaa in magaalada loogu qeybiyo laba qeyb.
Qeyb kooban oo magaalada ka mid ah oo ah qeybaha ay degan yihiin hay’adaha dowladda, ayaa waxaa loo sameyn doonaa ciidamo gaar ah iyo goobo gaar ah oo laga galo, ayada oo aad loo baari doono dadka galaya, lana xaqiijin doono inaan hub lala gelin.
Waxaa sidoo kale jira qorshe labaad oo isna ku saabsan magaalada oo idil, kaasi oo lagu xaqiijinayo in lagu maamulo dadka magaalada kasoo galaya gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.
Ciidamo aya baari doono dadka soo galaya magaalada, waxaana la weydiin doono dad damiin ka ah oo magaalada ku sugan iyo ujeedka ay u socdaan, ka hor inta aan loo ogolaan.
Arrintan ayaa u ekaan doonto mid kala sooc loogu sameynayo dadka, oo dhibaato xooggan ay kala kulmi doonaan dadka soo usoo safraya Muqdisho.
Ma cadda sida ay ka hirgeli doonaan qorshayaashan cusub ee uu wado Sanbaloolshe, kaasi oo horey usoo hindisay qorshaha hubka looga dhigayo qaar ka mid ah beelaha dega Muqdisho, oo uu ku macneeyey kuwo halis ku ah dowladnimada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]