XOG: Maxaadan ogeyn oo R/W CABDI Weli Sheekh uu ka wadaa Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayadoo Sabtida fooda nagu soo hayso ee berri lagu wado, in Baarlamaanka Soomaaliya ay Codka Kalsoonida siiyaan, ayaa R/wasaaraha Cusub, C/wali Sheekh Axmed Maxamed, waxa uu bilaabay Kulamo gooni gooni ah oo uu la qaadanayo qaar kamid ah Xilibaanada.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si beel beel ula kulmayay Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo qado sharaf ugu sameynayay Gurigii Habar Khadiija oo ah xarunta Nabadsugida Qaranka.

R/wasaaraha, ayaa la sheegay inuu Kulamadaan uga gol leeyahay, sidii uu sii kasban lahaa taageerada Xilibaanada, kahor intuusan hortagin Baarlamaanka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu si deg deg ah ku soo magacaabo Golaha Wasiirada, si Xukuumadii hore ay howsha ugala wareegto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay ka dalbadeen Ra’iisul wasaaraha in aanu Liiska Golihiisa Wasiirada ku soo darin Wasiiradii hore ee Xukuumadii Saacid.

Ilo wareedyo ku dhow dhow, kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha la qaatay Xilibaanada, ayaa sheegaya in uu balan qaaday hadii uu helo codka kalsoonida Baarlamaanka uu soo dhisi doono Xukuumad ballaaran oo wax ka qabata arrimaha ammaanka, siyaasada, dhaqaalaha iyo adeega bulshada.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa dib u dhigay Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha oo lagu waday in shalay oo Arbaco aheyd uu hor-tago Baarlamaanka, iyadoo dib u dhaca kulankii shalay lagu sababeeyay arrimo farsamo.