R/W Saacid oo shir u qabtay RW cusub Cabdi Weli iyo Beesha Sade, Sabab?

Ra’iisul wasaaraha xilka kasii dega Abdi Farax Shirdoon “Saacid ” ayaa waxaa uu casho u sameeyey Ra’iisul wasaaraha cusub Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed,xildhibaano kasoo jeeda beesha Sade  iyo xubno uu ku jiro Ugaas Taakooy kuwaasi oo uu uga xogwaramayey xaalka siyaasada Dalka.

Cashada oo ka dhacday hoyga uu Saacid Farax ka degan yahay Muqdisho ayaa waxaa ugu horeyn kulanka ka hadlay Saacid Farax oo sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay Dr, Abdiweli Shiikh kadib markii isaga uu waayey kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

” Waxaan ku faraxsanahay in Dr, Abdiweli Shiikh uu noqday ninka iga badela booska aan hadda kasii degayo ee ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaana dhihi karaa waa shaqsi aqoon u leh inuu xilkan kasoo baxo” ayuu yiri Saacid Faarax oo la hadlayey Ra’iisul wasaaraha cusub iyo xubnaha Beesha Sade ee uu caawa kulanka la qaatay.

Saacid iyo Abdiweli Shiikh

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Saacid Farax inuu dalkan hogaamintiisa u baahan tahay dhabar-adeeg  badan oo  loo baahan yahay inuu muujiyo Dr, Abdiweli Shiikh, isagoona sheegay inuu shaqsi ahaan la shaqeyn doono wixii uu uga baahdo inuu ka caawiyo Ra’iisul wasaaraha cusub.

” Waxaan hortiina ka cadeynayaa in aan diyaar u ahay in aan la shaqeeyo saaxiibkeey, marna walaalkeey Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed in aan la shaqeyn doono oo aan ku biirin doono wixii aan khibrad ka helay inta aan xilkan hayey” ayuu yiri Saacid Farax Garaad.

Waxaase uu Ra’iisul wasaaraha cusub uga digay siyaasiyiin uu sheegay inay dalka masiirkiisa ka dhigteen ganacsi,kuwaasi oo uu sheegay haddii uusan gacan bir ah isaga qaban inay marka danbe isaga dagaal adeg ay la geli doonaan. Isagoona si gaar ah usheegay inay ragaasi ku jireen xukuumadiisa kuwa wax ka burburiyey.

Xildhibaan Nuur Farax Jamac oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeyn laga dhex helo Saacid Farax iyo Dr, Abdiweli Shiikh taasi oo u horseedi karto buu yiri in isbadel muuqda laga dareemo xukuumada cusub ee uu soo dhisi doono R/W cusub.

Wakiilka Ugaaska ee gobollada dhexe Taakooy oo dhankiisa ku hadlayey afka odayaasha dhaqanka beesha Sade oo ay labadan mas’uul ee xilka ku kala wareegeysa ay kasoo jeedaan ayaa sheegay in loo baahan yahay abuurista siyaasiyiin iyo bulsho iska warqabta oo sameeyaan labadan mas’uul. Taasi oo uu ula jeeday inaysan gobollada Jubooyinka, Gedo iyo Galgaduud oo ay labadan Ra’iisul wasaare kasoo jeedaan laheyn siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh dalka. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu daneyntii waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul wasaaraha cusub Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed Maxamed “Baardheere” kaasi oo sheegay inuu ku ammaanayo Saacid Farax howshii uu qabtay muddadii sanadka aheyd. Waxaana uu sheegay inuu isaga shaqsiyan ballanqaadayo inuusan Saacid taladiisa ka maarmi doonin oo ay fikrado badan  kala qaadan doonan.

” Saacid Farax xilkii waad ka tagtay uguma hari doono ee waxaan ballanqaadayaa inuu talooyin badan oo dalka muhiim u ah aan la wadaago si waxa uu inagu biirinayo aan uga helno.” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha cusub ee aan wali ansixinta helin Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed.

Dhinaca kalana waxaa uu mahadcelin u jeediyey xildhibaanada madasha fadhiyey kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin dadka looga baahan yahay inay xukuumadiisa meelmariyaan si ay dalka wax ugu qabato.

Kulanka caawa oo ahaa mid laba waji leh, kuwaasi oo kala ah qaabilaada labada nin ee xilka ku kala wareegeysa iyo beesha Sade oo ay kasoo jeedaan oo talooyin siineysa ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday si afgarad.

Waxaase warbaahinta loo diiday inay kulankaasi  wax sawir ah xitaa ay  ka qaataan.

Xigasho: kismaayo24.net