XOG: Caalin oo u taagan xilka wasiirka ammaanka iyo C/Weli oo la kulmaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay soo qaban qaabisay beesha uu ka soo jeedo madaxweynihii horre ee Galmudug, Maxamed Axmed Caalin.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Safari ayaa waxaa looga hadlay siddii Maxamed Axmed Caalin loogu magacaabi lahaa wasiirka ammaanka qaranka Soomaaliya maadama ay isku qabiil yihiin wasiirkii horre Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ilo xog ogaal ah oo ka qeybgalay kulankaas ayaa u sheegay Caasimada Online, in kulanka ay ka qeybgaleen siyaasiyiin, xildhibaanno iyo odayaal dhaqameedyo kuwaasoo isku raacay in Caalim uu beeshooda u noqdo wasiirka ammaanka maadama ay iyaga lee yihiin xilkaas, sida ay sheegeen.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhawaan u safar ku tago Puntland, isagoona halkaas kulamo kula soo qaadan doono madaxda maamulka Puntland iyo madaxweynihii horre ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo hadda ku sugan Garoowe.

Tan iyo markii uu is casilay wasiirkii horre ammaanka qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed waxaa beesha Habar Gidir ay lahaayeen wax garadkooda iyo siyaasiyiintooda kulamo looga hadlaayo cidda lagu badalaayo wasiirkaas, maadama dowladda wax lagu qeybsaday nidaamka 4.5.

Caalin waa qof noocee ah?

Maxamed Axmed Caalin wuxuu la soo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray isagoona muddo 20 sanno ka tirsanaa hey’addaha nabad sugida Soomaaliya.

Caalin wuxuu madaxweyne ka soo noqday maamulka Galmudug, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa saxiixayaashii qariirada Roud Mapka ee looga baxay xilligii KMG ah ee dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com