Xog: Maxay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ka ogaayeen qoraalka uu Xaaf soo saaray?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog aad loogu kalsoonaan karo oo ku saabsan inay dowladda Soomaaliya wax ka ogtahay qoraalka uu Xalay soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sida ay illo ku dhow dhow Xaaf u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, madaxweyne Farmaajo iyo taliye xigeenka NISA Fahad Yaasiin ayaa qoray Waraaqda uu soo saaray Xaaf, waxaana labada dhinac dhex maray is faham  iyadoo madaxweyne Xaaf la siiyey Lacag.

Dowladda ayaa isticmaaleyso dooqa Koowaad iyo Dooqa Labaad oo kala ah  Ahlu Sunna oo awood ku heysto Guriceel iyo Dhuusamareeb  iyo Xaaf.

Dowladda ayaa Xaaf kula heshiisay inuu u yahay dooqeeda labaad haddii ay Ahlu Sunna diido inay Dowladda ku wareejiso Ciidamadeeda isla markaasna halkaas la geeyo Ciidamo ka amar qaato Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Haddii ay Ahlu Sunna diido qorshaha Dowladda, waxay ku badalan rabtaa Madaxweyne Xaaf oo Doorashada ugu qaban doono Magaalada Cadaado.

Haddii ay Ahlu Sunna aqbasho sida ay Dowladda wax u rabto, Madaxweyne Xaaf ayaa qeyb ka noqon doono qaban qaabada Doorashada, wuxuuna imaan doonaa Magaalada Dhuusa Mareeb.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciyaareyso siyaasad heerkeedo ay aad u sareyso, waxayna markii hore ka shaqeysay inay kala disho Xaaf iyo Ahlu Sunna si ay labada dhinacba heshiisyo kala gooni ah ula saxiixato.

War Saxaafadeed uu soo saaray Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa taageeray go’aan ka soo baxay dowlada Soomaaliya oo ku aadan qabashada doorashada Madaxtinimada Galmudug oo ka dhacaysa Dhuusamareeb.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay lagu sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4July 2019.

Madaxa xukuumadda ayaa dhammaan shacabka Galmudug ugu baaqay in ay taageeran doorashada xukuumadda Soomaaliya ay ka qabanayso dowlad goboleedka Galmudug islamarkaana u istaagan midnimada wadajirka iyo ilaalinta heshiiskii Madaxtooyada Soomaaliya lagu saxiixay ee midaynta Galmudug.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com