Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay kulan gaar ahaa.
Kulankaasi ayaa u dhaxeeyay madaxweynaha maamulka Puntland C.Welli Maxamed Cali Gaas iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali.
Labada masuul ayaa kulankooda oo saxaafada dibad joog ka aheyd waxay kaga hadleen doorashada Soomaaliya ee sanadkaan iyo khilaafyadii hareerayay doorashada xildhibaanada Soomaaliya.
Cumar C,rashiid ayaa balanqaad ka helay madaxweynaha Puntland kaasi oo ku saleysan inuu ka taageri doono sidii xildhibaanada deegaanadaasi ka yimid codkooda u siin lahaayeen.
Cumar C/rashiid ayaa balanqaad sidaasi oo kale ah ka helay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana uu qeyb ka yahay qorshe uu beelweynta Abgaal ugu diidayo iney xilka madaxweynaha qabtaan.
Qorshahaasi waxaa la wada madaxweynaha koofur Galbeed iyo qaar kamid ah musharixiinta kasoo jeeda beelaha Hawiye.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

