25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa kuwada hadlay qadka Teleefanka kadib mashquul soo kala dhexgalay labada mas’uul.

Wadahadalka qadka Teleefanka ku dhexmaray labada mas’uul ayaa la xiriiray arrimaha Doorashooyinka Somalia iyo Doorashada Madaxweynaha Somalia ee maalmaha qura ka harsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Axmed Madoobe wax ka weydiiyay qorsho kala dhexeeyay oo ku xeeran Xildhibaanada cusub ee laga soo doortay magaalada Kismaayo.

Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa is weydaarsaday tirrooyin loo maleynaayo inay tahay cadadka Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo ee loo soo weeciyay dhanka Xasan Sheekh, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha.

Labada mas’uul oo sidoo kale ku dheeraaday wadahadalkooda ayaa isla soo qaaday Musharaxiinta kasoo horjeeda Xasan Sheekh ee garabka weydiisanaaya Axmed Madoobe, waxa uuna Xasan Sheekh Hogaamiyaha u sheegay inaan la taageerin Musharaxiinta kale maadaama ay wada-galeen Heshiis gaara.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Axmed Madoobe u sheegay inuu u sameynaayo casuumaad gaara, si ay uga wadahadlaan ololaha doorashada ee qabyada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News