Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa bilowday qorshe ay dhaqaalo ugu ururineyso shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Dhaqaalahaasi ayaa Imaaraatka Carabta wuxuu doonayaa inuu ku taageero dadka dhibaateysan ee ay saameysay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, isagoo dhanka kale ujeedo kale ka leh.
Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Imaaraatka uu doonayo in abaartaan ka jirto dalka Soomaaliya uu magac iyo soo dhawaansho ugu sameeyo sidii Turkiga lagu bartay sidii ay ugu gurmadeen shacabka Soomaaliyeed sanadkii 2011.
Sidoo kale waxaa wararka aan heleyno ay sheegayaan inuu doonayo inuu ku ilowsiiyo danahiisa gaar ah ee uu ka leeyahay dalka Soomaaliya, sida meel marinta heshiiskee dhismaha saldhiga meletari ee dekada Berbera.
Waxaa shacabka iyo isutaga Imaaraatka carabta ay Soomaaliya ugu yabooheen 45 Milyan oo doolar oo la doonayo in wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed.
Imaaraatka ayaa doonaya in weeciyo Doorka Turkiga ee Soomaaliya, waxaana furashada saldhiga meletari ee Berbera ay jawaab u tahay furitaanka xerada ciidan ee Turkiga uu ka furanay duleedka magaalada Muqdisho.
Xogta ugu badan ee aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay tahay taageerada koowaad ee Imaaraatka carabta ku taageera inuu dagaal hoose Soomaaliya kula galo dowladda Turkiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]