Haweeney ilmo ka xaday Muqdisho oo lagu qabtay magaalo kale

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta gacanta ku dhigay Haweeney Canug yar ka xaday Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa Haweeneydaani gacanta ku dhigay xili Canuga yar uu la ilmeynaayay rabitaanka waalidkiisa waxa ayna aheyd mid ku qeyla dhaamineysay inay dhashay wiilka ee lagu qabtay.

Carab Yuusuf Nuur oo ah Madaxa Howlgalada Magaalada Baledweyne, oo ka hadlaayay Haweeneyda gacanta lagu dhigay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay hadda Gacanta ku hayaan Haweeneyda iyo Wiilkii yaraa ee Magaalada Muqdisho ay ka xadday.

Carab Yuusuf Nuur, ayaa sheegay in waayadaani ay ka nasteen xadista carruurta, waxa uuna cadeeyay in Maxkamad lasoo taagi doono Haweeneyda magaalada Muqdisho kasoo xaday canuga yar.

Carab Yuusuf Nuur, waxa uu sidoo kale sheegay in Haweeneyda ay canuga yar kasoo xaday qoys ay qadaamo u aheyd, sida ay qiratay.

Carab Yuusuf Nuur, ciidamada ayuu sheegay inay isha ku hayaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada bulshada iyo kuwa lidka ku ah amniga, sidaa darteedna ay u suuragashay inay gacanta ku dhigaan haweeneyda.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili inta badan dalka uu ka dhaco xadida caruurta aadka u yar, inkastoo waayadaani laga nastay.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com