Korea-da Waqooyi oo hanjabaadii ugu cusleyd u dirtay USA, iyo maraakiib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Waqooyiga Kuurya ayaa lagu sheegay inay qaadi doonaan talaabo lagu quusin doono dhammaan Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka.

Qoraal lagu daabacay Wargeyska ku hadla Codka Xisbig Shqaalaha ee ka taliya dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Kacaanka diyaar u yihiin inay duqeyn ku dejiyaan Maraakiibta dagaal ee dalka Mareykanka.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Maraakiibta la beegsan doono ay noqon doonaan kuwa Xambaara diyaaradaha dagaalka.

Waxaa lagu sheegay in Maraakiibta la beegsan doono qaarkood ay ku wajahan yihiin meel ka baxsan Xeebaha dalkaasi.

Sidoo kale, dowladda Waqooyiga Kuurya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen Muwaadin Maraykan ah, oo asal ahaan ka soo jeeda Koonfurta Kuurya.

Muwaadinkaani la qabtay oo da’da 50 jir ah ayaa la sheegay inuu dalkaasi ku sugnaa muddo hal bil, isagoo Madaxda dalkaasi kala hadlay dhaqdhaqaaqyadda Samafalka, balse uu ahaa basaas ka socday dalka Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, colaado xoogan ayaa dhowrkii bil ee lasoo dhaafay u dhexeeyay dowladaha Waqooyiga Kuurya iyo Mareykanka taa oo gaartay heerkii ugu adkaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com