28.9 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Sababta qaar ka mid ah wasiiradii hore dib loogu soo celiyay oo la shaaciyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)– Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha keenay in qaar kamid ah wasiiradii hore uu kusoo daro liiska golaha wasiirada cusub ee xukuumadiisa.

Cumar C/rashiid, oo xalay saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in sababta loosoo celiyay qaar kamid ah wasiiradii hore ay tahay in waqti yar ay heystaan ayna dhiman tahay howl badan, loona baahan yahay in wax badan la qabto.

“Waqtiga oo aad u yar awgeed xubno dhowr ah oo haayay Wasaaradaha muhiimka ah waan soo celiyay si aysan shaqada hakad u gelin, maadaama Wasiiradaasi ay shaqada fahansan yihiin”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay in golaha wasiirada lagula xisaabtami doono shaqooyinka ay u qaban doonaan qaranka Soomaaliya, wuxuuna sameeyay balan qad ku aadan in golaha wasiirada lagula xisaabtamayo shaqooyinkooda.

Cumar C/rashiid, ayaa ka dalbaday xubnaha baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya, maadaama ay howlgali karaan marka baarlamaanka ansixiyo.

Waxaa liiska wasiirada ku jiro xubno horay ugu fashilmay siyaasada Soomaaliya, iyadoo markale wasiiro laga dhigay, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay rajo yar ka muujinayaan waxqabadka ay la imaan karaan wasiiradaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News