27.8 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Sawirro: Shir looga hadlayo arrimaha Somalia oo goordhow ka furmay Kigali

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Magaalada Kigali ee dalka Rwanda, ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka furmay shir xasaasi ah oo ay soo qabanqaabiyeen Madaxda Ururka Midoowga Afrika iyo DF Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in shirkaasi uu yahay mid loo qabtay Qurba-Joogta Soomaalida, iyadoona diirada lagu saari doono Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ka qeybqaadashada dhismaha dalka, dhaqaalo galinta Caasimada iyo kaalinta ay ka qaadan karaan guud ahaan horumarinta dalka.

Shirka ayaa waxaa goor dhow furay Ergeyga Midoowga Afrika ee Soomaaliya danjire Maman Sadikou, iyadoona ay ku xigsadeen Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Midowga Africa iyo Safiiro dalkaasi Rwanda marti ku ah.

Waxaa Magaalada Kigali ee dalka Rwanda xiligaani ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia oo iyagu indha indheenaya qaabka uu shirka u socdo iyo Warmurtiyeedka kasoo bixi doona.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in madaxda Qaranka ay goor dhow ka hadlaan Shirka ka furmay Magaalada Kigali ee dalka Rwanda, mana cadda inta uu socon doono shirka.

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 16 17 18

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News