Xildhibaanno buux dhaafiyay xafiiska Madaxweyne Xasan (Maxaa Cusub?)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan BF Somalia ay buux dhaafiyeen iridka hore ee Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Sodomeeyo xildhibaano ay hor dhoobanyihiin xafiiska, waxa ayna wararku ay intaa kusii darayaan in Ujeedka Xildhibaanadaasi uu yahay mid ku saleysan Balan uga bax lagu sameeyay.

Xildhibaanadaani ayaa la sheegayaa inay isugu jiraan garabyadii kala taagersanaa Xassan iyo C/weli Sheekh, hayeeshee ay ku gacanseeren balantii aheyd inay ka dhexmuuqan doonaan Golaha wasiirada.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu la kulmay dhowr Xildhibaan, halka kuwa kalane uu balamiyay maalinta bari ah, inkastoo aan la Ogeyn qaabka uu u qancin doono Xildhibaanadaasi iska dhex waayay Golaha cusub.

Arrintaani ayaa ka dambeysay kadib markii Ra’isul wasaaraha dalka uu Habeenimadii xalay ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada, oo ay ka maqnaayen dhowr Xildhibaan oo lagu qanciyay inay kamid noqon doonaan Wasiir ku-xigeenada, hayeeshee ay ka dhexmuuqan wayeen.

Ku dhawaad 100 Xildhibaano ka tirsan BF Somalia ayaa wada qorsho ay kaga hor imaanayaan ansixinta Golaha Wasiirada cusub gaar ahaan Afar wasiir oo ay horay uga digeen in lagu soo daroo Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com