Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku bahoobay Golaha Badbaadinta Qaranka ayaa sheegay in wax kalsooni ah aysan siin doonin Xukuumada cusub ee Xalay uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.
Xubnahaan oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in horay Ra’iisul wasaaraha qoraal ugu gubiyeen taasi oo ay kaga dalbanayeen in wasiiradiisa aanu kusoo darin xubno ka mid ah wasiirada xukuumadii Cabdiweli Sheekh Axmed.
Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow oo ah gudoomiyaha Golahan ayaa sheegay in dhankooda aanay wax cod ah siin doonin xukuumada cusub markii la horkeeno xildhibaanada baarlamaanka.
“Laba Maalmood kahor ayaa halkaan waxaan ku qabanay shir, kaasi oo aynu uga hadlaynay xukuumada uu soo dhisi doono Ra’iisul wasaaraha, wuxuu ku saabsanaa inaanay suurta gal ahayn golaha badbaadinta Qarankana aanu aqbaleynin hadii Afar Wasiir oo ka mid ah wasaaradaha maanta Ra’iisul wasaaraha soo magacaabay inaan golaha badbaadinta qaranka uusan aqbalayn, wasiiradaasi oo ay ka mid yihiin, wasiirka arimaha gudha Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Amniga Sanbaloolshe, wasiirka Maaliyadda Xalane, iyo wasiirka cadaaladda Faarax Cabdiqaadir, qoraal aan Ra’iisul wasaaraha u sameenay oo aan ku leenahay mudane Ra’iisul wasaare ka fiirso wasiiradaasi oo ku caanbaxay in xukuumad kasto oo ay ka mid noqdaan dumiyaan, oo ku caan baxay shaqo xumo, oo ku caan baxay in wixii loo diro maahee wax kale ka shaqeeyaan, horaan u sheegnay 92 xildhibaan ayaa saxiixday bayaankaas”
“Waxaan u geynay Ra’iisul wasaaraha maalin kahor, Ra’iisul wasaaruhu wuxuu iska indha tiray kana leexday bayaankii 92- xildhibaan ay ku saxiixnaayeen, waxaan rabnaa in mar kale aan u cadeyno umadda Soomaaliyeed, beesha Caalamka, iyo xukuumaddu ruuxeedu uu soo dhisay Cumar Cabdirashiid in aanay golaha Badbaadinta Qaranka aysan ka helaynin wax cod ah oo kalsooni ah”
“Wuxuu ku xadgudbay dhinacii awood qeybsiga oo horay u balan qaaday, marka aan la shirnay oo uu kalsoonida in isaga la siiyo uu ka fikiraayay, waxa uu dhunshay kalsoonida golahaan ay horay ugu muujiyeen oo ahayd in uu sameynaayo awood qeybsi, waxaan u qornay qoraal aan uga hadleyno qaabka wax loo qeybsanaayo, waxaan ku saleynay qaabka ugu haboonaa oo ay bulshada Soomaaliyeed wax ku wadaagaysay oo qabiilka ruuxiisu ka maqneyn, waxaan u gudbinay taladeyna iyo ra’yigeena, waxaan u sheegnay in aanay noqon dowlad xukuumad dhinac laga soo dhigay oo ay koox yar oo ra’yigooda iyo taladooda iyo qaabkooda ay dadka Soomaaliyeed ka dheragsanyihiin, oo ay ka mid yihiin wasiiradii inta shaqada gudan waayay qaarkood ay jidadka isku dhex casileen umadda Soomaaliyeed u sheegeen in ay ku fashilmeen wixii umadda u haayeen, raali gelinna ay dhiibaayaan, inaan xukuumadda lagu soo darin, inaan lagu soo darin kuwii yiri xilkii ay hayeen markii Ra’iisul wasaaraha hore ka wareejiyay ee wasaarad kale loo wareejiyay nalama wareejin karo oo awood sheegashada xukuumada hore ku riday oo ay dadku Soomaaliyeed ogyihiin oo wasiirka Cadaaladda ugu horeeyo Faarax Cabdiqaadir in wasaaradii laga wareejiyay in maanta lagu soo celiyo waa ilhaano umadda Soomaaliyeedna aysan aqbaleen, xildhibaanada qarankuna aysan aqbalayn, umaynaan dhaaran mana aqbalayno inaan u shaqeyno qof shaqsi ah, oo awoodda ku qaadanaaya madaxweynaha Saaxiib la’ahay oo awooda ku qaadanaaya maanta talada anay gacanta iigu jirtaa, Afar qof iyo wax la qadar ah kama yeelayno in ay dadka Soomaaliyeed meeshii loo waday maahee meel kale ay u wadaan, in ay wadaan Vision 2016 inay iyagu gacanta ku qabsadaan Afartaas ay waxa ay rabaan dadka ka sameeyaa 2016-ka u tartameynaa yiraahdaan oo talada dalka maroogsadaan kama aqbalayno”
“Shirkaan Jaraa’id waxa uu ku saabsanaa in aan dadka Soomaaliyee mar kale u cadeyno in la jahwareershay, waana wixii aan Ra’iisul wasaarihii hore in la rido aan ku diideynay, ayaa waxay ahayd inaysan taladu gacan qura gelin, tii ayaana meesha kasoo baxday, Cumar Cabdirashiidna waxa uu dhunshay Kalsoonida umadda Soomaaliyeed u qabtay iyo midda golaha badbaadinta Qaranka u qabeen, Aad ayaad u mahadsantihiin” ayuu kusoo gaba gabeeyay shirkii Jaraa’id Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow oo akhrinayay qoraal kasoo baxay xildhibaanada ku bahoobay Kutalada Badbaado Qaran.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa xalay markii uu soo magacaabay ka dib golahiisa wasiirada waxa uu xildhibaanada ka codsaday in ay codka kalsoonida ah siiyaan si loo gaaro hiigsiga 2016-ka oo waqti kooban uu ka haray.
Halkaan Hoose ka dhageyso shirka jaraa’id
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

