30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

“Wixii xalay dhacay ee uu sammeeyey R/W CCC, ma ahan wax cuntami kara”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay weli jiraan dhaliilo loo jeedinaayo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, ayaa waxaa isa soo taraaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somalia ee ka horimaanaaya Xubnihii Habeenimadii xalay kamid noqday Golihii Wasiirada.

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa sheegay inay soo badanayaan Xildhibaanada BF, ee labadii maalin ugu dambeeyay ka biyo diidan magacaabidda Golaha Wasiirada ee uu soo xulay R/W CCC.

Xildhibaanka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxaa soo badanaaya Xildhibaanada ka soo horjeeda Wasiirada la magacaabay, maxaa yeelay waxaa la soo celiyay Wasiiradii markasta khilaafka Madaxda Dowladda horseedaayay”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa “Xukuumad waxaa weeye khilaafkii nimankii bilaabay Xukuumaddii Saacid iyo Xukuumaddii C/weli, ay ku jiraan.” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan C/qaadir Maxamed Aadan ”Sandheere”.

“Xukuumad hal xisbi ka kooban weeye, maaha Xukuumad dalka matali karta. Waa niman isku tol ah, niman isku qabiil ah kama wado, waa niman isku koox ah.”

“Maaha wax cuntami kara waxa uu xalay keenay Ra’iisal Wasaaraha. Wixii uu xalay ku hadlay maaha wax fiican, wuxuu is lee yahay dadka waad ku siri kartaa, laakiin maaha.” Ayuu yiri Sandheere.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News