Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xalay uu ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu ku dhawaaqay golahiisa wasiirada ayaa danjiraha urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya wuxuu ka hadlay siyaasiyiinta dhaliila dowlada Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Afeey, danjiraha IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo dadka wax dhaliila ee kasoo horjeeda dowlada Soomaaliya ay dhaliiltamaan marka ay iska waayaan xubnaha sar sare ee maamulka dowlada ama golaha wasiirada.
Max’ed Cabdi Afeey ayaa uga digay in siyaasinta iska dhaxwayo siyaasada dalka iney mujiyaan tanaasul, iyadoo la fiirinayo danta qaranka, sida uu hadalka u dhigay Mr Afeey.
Waxa uu ku hanjabay in siyaasiyiinta noocaas ah ee qabyaaladda iyo colaadda huriya laga hortagi doono.
Hadalka Danjiraha ee urur goboleedka IGaad ayaa imaanayo xili xalay saqdi dhaxe lagu dhawaaqay xubnaha cusub ee golaha wasiirada oo intooda badab ay ka dhaxmuqdeen wasiiradi hore oo codka kalsoonida ay kala laabten barlamanka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

