Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waxgaradka iyo aqoonyahada Soomaaaliyeed ayaa rajo xumo ka muujinayo waxqabadka laga sugi karo xukuumada cusub ee uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Aqoonyahan Axmed Faarax Ducaale, oo kamid ah aqoonyahada Soomaaliyeed ayaa dhaliil adag u jeediyay rajada laga qabo waxqabad ay la imaato xukuumada cusub ee dalka Soomaaliya, wuxuuna is weydiiyay su’aal ku aadaneyd cidii la ridiyay markii mooshinka laga keenay C/faarax Shirdoon Saacid.
Aqoonyahanka ayaa sidoo kale sheegay inay iska cadahay in waxqabad wanaagsan aysan la imaan doonin xukuumadaan cusub, maadaama ay ku jiraan wasiiro badan oo ku fashilmay shaqooyin hore, sida uu hadalka u dhigay.
Axmed Ducaale, ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha yar ee ku cusub siyaasada wasaaradaha uusan garin karin waxa ay la imaan karaan, laakiin wuxuu cadeeyay inay ka badan yihiin wasiiro kusoo laabtay xilalka wasaarada xukuumada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

