28.8 C
Mogadishu
Monday, December 15, 2025

Warbixin: Puntland oo xakuno ku riday 14 siyaasiyiin iyo odayaal isugu jira !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Nugaal ayaa sheegaya in Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ay manta Xakuntay Siyaasiyiin iyo Odayaal ay ku eedeysay dambiilayaal.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha la xakumay ayaa gaaraya ilaa 14 kuwaasi oo lagu eedeeyay in Magaalada Cadaado ay u tageen si ay uga qeyb galaan shirka la filayo in maamul loogu sameeyo Gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Mas’uuliyiinta xakunka lagu riday ayaa waxaa kamid ahaa Ex-Xildhibaan Cabdiweli Muuse Shire ‘’Dhamuuke’’ oo gaaray Magaalada Cadaado iyo Laba ruux oo Kale waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka 11-ka kale lagu riday xukun 10-sano oo xabsi ah.

Sidoo kale, Maxkamada ayaa sheegtay in shaqsiyaadkaan ay sameeyeen xad gudub, ka dib markii ay sheegeen in maamulka Gobalada Dhexe laga hirgelinayo deegaanada Mudug ay ka maamusho Puntland.

Dhanka kale, Xukunada dadkaan ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib markii maanta maxkamada la horkeenay dacwado ku saabsanaa inay ka qeyb galeen dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah jiritaanka Puntland islamarkaana iyagoo adeegsanaya magaca waqooyiga Gobolka Mudug ay sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka maamul usamaynta gobolada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News