26.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

“Raggii shalay wax qabad la’aanta loo ceyriyey baa dib na loogu soo celiyey”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayaan Xildhibaanada kasoo horjeeda Magacaabista Wasiirada Cusub, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Maxamed Cabdullahi Fadhiye oo ka mid ah Mudanayaasha BF Somalia.

Xildhibaan Fadhiye waxa uu sheegay in Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ay kusii socoto wadadii ay qaaday xukuumadii ka horeysay, waxa uuna sheegay in R/W CC uusan talo kulaheyn Golaha Cusub balse loo soo maanguuriyay, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay inaysan Wasiiradaan cusub waxba ka duwanayn Wasiirada Xukuumaddii hore, waxa is bedelka kaliya lagu sameeyay waxa uu ku sheegay Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Fadhiye oo arrinkaasi si kulul uga hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Adeer dadku yan laga dhigin kuwa aan Caqli laheyn, Wasiirada uu soo magacaabay Cumar Cabdirashiid waxba kama duwana kuwii xukuumadii hore, kaliya waxaa isbedel lagu sameeyay Ra’isul wasaarayaasha”

Waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay ”Xassan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid waxa ay dib usoo celiyeen Wasiiradii horay u fashilmay, Haddii C/weli Sheekh Axmed lagu heystay in Wasiiradiisii ay fashilmayn, maxay tahay waxa markale loo soo celiyay.”

Xildhibaan Fadhiye waxa uu Carabka ku dhuftay in Ra’isul wasaaraha ay ku adkaan doonto inuu shaqo galiyo wasiirada uu ka aqbalay Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News