Xog: Maxay Uhuru iyo Hailemariam u diideen ka qeyb-galka caleemo-saarka Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta uusan kasoo qeybgali doonin Caleema-saarka Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Sargaal ka tirsan Safaarada Kenya ee magaalada Muqdisho oo u waramaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Kenyatta uusan kasoo qeybgali doonin Caleema-saarka, sida uu hadalka u dhigay.

Sargaalka ayaa sheegay in Madaxweynaha aysan u suuroobi doonin kasoo qeybgalka maadaama dalka Kenya uu ku jiro xili Doorasho.

Waxa uu Sargaalka sheegay in Madaxweynaha uu Caleema-saarka dhici doona maalinta beri ah usoo wakiilan doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Amina Mohamed Jibril.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Ra’isul wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe uu isna kasoo qeybgali doonin Caleema-saarka sida laga soo xigtay ilo Diplumaasiyiin ah.

Hailemariam Desalegn Boshe, ayaa isna la sheegay in Caleema-saarka uu usoo wakiilan doono Diplumaasiyiin u matali doona Caleema-saarka.

Warbaahinta Caasimada Oline ayaa horay u sheegtay in Dowladaha Ethiopia iyo Kenya aysan kasoo qeybgali doonin munaasabada Caleema-saarka ah, walow aan la ogeyn go’aanada Uhurro Kenyatta iyo Hailemariam Desalegn Boshe kasoo bixi doona saacadaha ugu danbeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com