Maxaa kasoo baxay kulankii xasaasiga ahaa ee dhex maray Farmaajo iyo xubnihii ka socday Habargidir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan albaabada u xirnaa ku yeeshay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo 70 xubnood oo ka socday Habargidir kuwaas oo isugu jiray Xildhibaano, Wasiiro, Odayaal iyo Siyaasyiin.

Kulankaan ayey beesha Habargidir uga gol laheyd sidii ay u heli laheyd xilka Ra’isulwasaaraha waxaana casuumaadaas sameeyey madaxweyne Farmaajo.

Wararka hoose oo ay heshay shabakadda caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay Habargidir si rasmi ah uga codsatay madaxweynaha inuu xilkaas siiyo.

Madaxweyne Farmaajo oo qadarinayo codsigaas ayaa xubnihii uu la kulmay ku qanciyey inuu xilkaan u magacaabi doono Beesha Hawiye ayna ku qancaan qofkii uu nasiibkiisa noqdo.

Markii u sidaas codsaday madaxweynaha Beesha Habargidir ayaa aqbashay codsigiisa waxayna ballan qaadeyn inay la shaqeyn doonaan cid kasta oo uu xilkaas u magacaabo.

Waxaa la filayaa inuu madaxweynaha ku dhawaaqo cidda noqoneyso Ra’iisul wasaaraha wixii ka dambeeyo Caleema saarka madaxweynaha oo la filayo inay dhacdo Berri oo arbaco ah.

Waxaa jiro shaqsiyaad badan oo kasoo jeedo Beesha Hawiye oo xilkaas isku soo taagay waxaana ilaa hadda hoggaanka u hayo Dr. Cabdinaasir oo ah shaqsi heysto dhalashada mareekanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com