25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Maxay xildhibaanada KOONFUR GALBEED xarun uga dhigteen MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanadii ugu badnaa ee ka tirsan baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa kusugan magaalada Muqdisho oo seddexdii maalin ee ugu dambeysay ay soo gaarayeen.

Inka badan 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana seddexdii habeen ee u dambeysay ay kulamo la qaadanayeen guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka tirsan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kulanka xildhibaanada loogu farmuuqayay musharaxa ay dooranayaan, waxaana shaki badan uu ka dhashay cidda bixisay dhaqaalaha badan ee xildhibaanada looga keenay magaalada Baydhabo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanadaan loo gacan geliyay dhaqaalo cadadkiisa wali Caasimada Online aysan xaqiijin, taasi oo hordhac aheyd si ay u doortaan musharaxa dowladda dooneyso inuu kusoo baxo doorashada.

Qaar kamid ah xildhibaanada oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen kulamo ay kaga hadlayaan waxyaabaha u dan ah shacabka Koofur Galbeed.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socdo kulano gaar gaar ah oo ay yeelanayaan xildhibaanada tirada yar ee kusugan magaalada, waxaana ay kaga tashanayaan  doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Waa Markii ugu horey oo xildhibaano maamul goboleed oo tiridaasi gaaraya yimaadaan magaalada Muqdisho xili doorasho ay dhaceyso.

Shariif Xasan ayaa dareemayaa culees badan oo kaga imaanaya dhanka dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News