Xildhibaan Fiqi oo jawaab ka bixiyey labadii arrin ee uu madaxweynaha sheegay

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab ka bixiyey khudbad uu xalay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u jeediyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan.

Madaxweynaha oo arbacadii u safray magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta Sudan ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ku dhaliilay siyaasiyiinta danleyda ah ee uu ku tilmaamay in ay dib u dhac u keenayaan dalka.

Madaxweyanaha oo u kala qaaday qeybo kala duwan siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa ugu muhiimsanaa laba: 1 – Kuwo siyaasadda u soo gala in ay dhaqaale ka sameeyaan oo haddii ay xilka waayaan adeegsadaa xasaasiyad qabiil iyo kuwo ku faanaya in ay ajnabi wataan oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dalka dullinimo u horseedaya.

Xildhibaan Fiqi oo u muuqday mid ka jawaabaya hadaladdii Madaxweynaha ayaa bartiisa Faceboob soo dhigay qoraalkan hoose:

Fiqi:- Waqti iyo hanti ugu yaraan wax badan u fadhin lahaa dalkeena iyo dadkeena ayuu madaxweynuhu ku bixinayaa socdaalkiisa u danbeeyey ee dalka Koofurta Sudan, ujeedaduna sida la sheegayo waa in kooxaha talada dalka Koofurta Suudaan isku haya lagu heshiisiiyo, arrin xun maahan gobol ahaan.

“Balse in madaxweynuhu halkaas ka soo diro fariimo xanaf leh oo muujinaya inuusan heshiis la ahayn siyaasiyiinta iyo maamulada dalkiisa ka jira, iyo ujeedada safarkiisu ma ahan wax isqabanaya , waana arrin tilamaan cad ka bixinaysa fahamka hogaanka dalkeenu halka uu joogo iyo in mas’uuliyaddii ka saarnayd isku haynta dadka iyo ka shaqaynta dib u heshiisiintooda in ay uga muhiimsanaatay socdaallo umado kale ku heshiinayaan iyo ficillo sii kala fogaynaya dadkooda oo ay qaadayaan.

Madaxweynaha waxaa la gudboon in xaaladda dalku uu ku sugan yahay uu qiimeeyo, sacabka dad hool lagu soo aruurshay, sawirada dacaayada ah oo lacago lagu baxsho daabacadooda iyo post-yada facebook-ga ee ammaanta iyo marin habaabinta u badan aysan ahayn kuwo ka turjumaya waxa dalka ka jira ee dhabta ah.”

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waxa uu ka mid yahay xildhibaanadii la dhacsanaa Madaxeyne Farmaajo oo siiyey codkooda doorashadii bilowgii sanadkii 2017 balse markii dambe ku biiray kooxaha mucaaradsan dowladda.

Sidoo kale, Fiqi waxa uu qeyb ka noqday xisbiga Midowga Nabadda Iyo Horumarka oo ay ku mideysan yihiin Daljir, Dhaamujadiid iyo kudladda Horusocod.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com