QM: Khilaafka u dhaxeeya DF iyo maamullada waxa uu dhaawacay SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka Soomaaliya ayaa muddadii uu jiray wuxuu sababay inuu Yaraado wada shaqeynta dhexdooda ah.

Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya oo qeyb ka ah dadaalada la doonayo in lagu heshiisiiyo dowladda iyo maamulada dalka ayaa sheegay in khilaafka uu sababay inuu saameeyo horumarka dalka.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka Soomaaliya iyo sidii si wadajir ah la iskula meel dhigi lahaa hanaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya sanadka 2021.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo matala dowlad goboleedyada ayaa dhankiisa wada dadaalada lagu dhexdhexaadinayo dowladda Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Koofur Galbeed oo culeesyo doorasho ay heystaan ayaa qiil kasii dhiganaya khilaafka dowladda kala dhaxeeya, waxayna taasi horseeday in musharixiin badan lagu tuhmo in dhanka dowladda ka socdaan.

Ergeyga UN-ka Nicholas Haysom iyo  midka Afrika Francisco Madeira ayaa todobaadkii tagay waxaa ay bilaabeen kulamo ay la yeesheen aqalka sare iyo maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle, iyaga oo iska xil saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka dowladd dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com